Deeq-Bixiyeyaasha In Lala Xisaabta mo Dembi Maaha!

gradadev
4 Min Read

Shirar badan ayaa la qabtay, badankood na, waxay ka dhaceen Yurub, kolba magac ayaa loo bixinayey, iyadoo qoraallo aad u qurux badanna la soo raacinayey oo qeexaya qeybaha looga howlge layo lacagaha lagu deeqay, mid waxtara oo la hirgeliyeyna cid ku faani kadha lama arko.

Deeq-bixiyeyaasha iyo xukuumadaha dalka isag dambeeyey dhowr iyo tobankii sano ee shirarkani qasoomayeen. Magacyada shirarkaas, waxan idinka xusuusin karna New deal (2014),National indicative plan (2014-2020) dhamaantood wada hoos imaanayey macaga ah Somali government’s (Economic recovery plan).

Shirkii loo fariistay Luulyo 15dii magaalada Brusseles, oo uu madaxweyne Farmaajo wax ka guddoominayey, gabadha Yurub hadda wakiilka u ahna marti loogu ahaa, waxa la siiyey magaca ah (Somalia Partnership Forum).
Wafiga Somaalida, waxa ka midd ahaa, sida uu VOA-da u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad, 16kii Luulyo, 2018ka, 8 wasiir-federaal. Hantida Somalida tikidhada iyo hoteellada uga baxda ee la baajin karay   mushaarka ciidamada wey dhoweyn laheyd.
Shirarkan dhamaantood ballanqaad laca-geed, oo Malaayiin, mar marka qaarna Balaayiin gaaraya ayaa looga yaboohaa. Qeybaha loogu talogalay in wax looga qabto, oo qoraallada ku jira, waxa ka mida (Institutional support & human security, justice and democration, media freedom, gender, human rights, Education, Food security and agriculture and water and infrastructure).

Micnahooda oo kooban, waxay ku sheegeen in lagu hormarinaayo:

1. Dib u soo dhiska hey’adaha dowliga ah iyo amniga

2. Garsoorka iyo xuduudeynta

3. Xorriyadda saxaafadda

4. Ragga iyo dumarka isu-dheellitirkooda

5. Waxbarashada, isku fillaasho dhinaca cuntada ah iyo horumarinta qodaalka

6. Biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, oo jidadka ugu horreeyaan

Mohorini iyo madaxweynihii doorashada looga taag-roonaaday Xasan Maxamuudasan

 

Waa suurowdaa in wax lagu biifiifay qeyba-haa ay tilmaameen, ka jinsiguba qeybta ugu badan ha helo’e, laakin cid Somaaliyeed, dowlad iyo shacab, oo sheegi karta male, haddii ay jirto goob ka mida qeybahaas la cayimay

oo wax la taaban karo laga qabtay, nolosha dadkana beddelaad ku keentay. Qeybaha qaarkood dagaal ayeyba ku hayaan hey’adaha uga wakiilka ah sida Beera, oo aan ognahay WFP iyo FAO dagaal ba’an ee ay kula jiraan wax soo saarka dalka, si iyaga mar walba loogu baahnaado.

Hey’adaha wax muuqda qabtay

sannaddadan dambe,waxan ka xusi karnaa, USAID oo runtii beryahan dambe dhinaca cuntada howl fiican ka wadda. Hey’adda GEEL,USAID uga wakiila howshana, runtii waxa ay qabataa howl in lagu amaano, laguna dhiir-rigeliyo mudan.

Dembi maahaa, haddii deeq-bixiyeyaasha la weydiiyo inay soo bandhigaan, mashruuca rasmi ahaan u fulay ee muuqda, bulshadana waxtar u yeeshay. Dhaqaale-yahannadu, waxay waarinayaan in lacagahaas, badankooda loogu adeego shirarka laftooda, sida ka soo qeyb-galayaasha oo boqolaal gaaraya loogana bixiyo kharashaadka dhoofka, jeefka iyo cuntada. Waxa soo harana dalalka bixiya shaqaalahooda iyo qarashyada kale ee baxa ayaa lagu daboolaa. Wax aan 20% dhameyn ayaa lagu taagtaagaa qeybahaa la cayimay, iyaduna (waa 20%) halis waxay u tahay in jeebka kuwa loogu dhiibay ay gasho oo u badan hey’ado iyagu naas nuujiyaan.

Su’aasha xukuumadda iyo madaxtooyada inay ka jawaabaan ay tahay, waxa weeye, xaggey maraan lacagahan tirade beelay ee lagu yabooho, haddaan loo jeedin wax lagu qabtay, maxaa kallifaya in shir aan waxba ka soo baxeyn dowladda lagu mashquuliyo? “Maye” haddey tiraaho maxaa uga xumaa-naya. Waxba.

 

Muna H. Xasan

Mogadishu-Somaliya

Share This Article
Leave a comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *