Siyaasi Indheergarad ah iyo Bulsho dhiirran

gradadev
7 Min Read

 

 

 

Indheergarad  waa  geesi  aragti fog runtana yiraahda kolka loo baahan  yahay.  Maadaama  uu bulshada caadiga ah ka aragti dheer yahay, kolka uu talo soo jeediyo, horraanta waa lagu qoslaa. Muddo kaddib  baa  haddana  waanadiisii tartiib-tartiib  loo  soo  gocdaa. Haddana, indheergarad aan bulsho dhiirran  lahayn  indheergarad  ma aha—maadaama ay noqonayso oo yaaba og, ama dheg jalaq u siiya talooyinkiisa, ama iska-hadlow ina Igarre—ama 114 baan aqoon yaase kaa akhrisanaya.

Diin kasta nacalad bay dusha uga tuurtaa beenaalaha, haddana mar bay furan tahay in been la sheego. W a a g o o r t a s a m a a n l a g u doonayo—sida nafo dhiiggood lagu kala hagooganayo. Siyaasad waxaa aalaaba lagu qeexaa dab. In aad ka fogaato iyo in aad u dhawaato labadaba dhib baa kuugu sugan.

Siyaasigu buugaagtaas buu akhristaa, ee mar kasta dab buu shanta kula jiraa. Sidaas awgeed, run iyo beenba waxa uu awoodaa in uu bulshada kala xado, madasha baroorta u baahan uu ka qoslo ta qosolka u  baahanna uu ka baroorto. Isla markaas, waxaa jira arrimo aan maaweelo ku shaqayn karin.

Danta ummadeed madadaalo ma noqon karto. Sidaas daraaddeed, haddii la waayo siyaasi indheergarad ah—oo inta badan danta guud runta uga tiraaba bulshadiisa, ugu dambaynta waa dhumiyaa kalsoonida shacabka. Isla qodobkaas, bulshada qudheedu haddii ay runta isu sheegi weydo oo beenta isku maaweeliso, siyaasiga wanaagsan talooyinkiisa waxa ay noqonayaan “iska-hadlow ina Igarre—ama 114 baan aqoon yaase kaa akhrisanaya.

 

Bulshada dhaqankaas yeelata mar talo faraha ka baxday bay haahaabasho bilowdaa. Waa meeshii 3aad, 24, 1999, Maxamuud Jaamac “Afballaar” Eebbe ha u naxariistee uu golaha wakiillada Dawlad-goboleedka Buntilaandi ka yiri, “Mudaneyaal, haddii aan oggolaano in wasiir xigeenno la sameeyo, meel aysan ka soo noqon karin bay tegi doontaa innaga ayaana masuul k a noqon doonna. Marka, war hoy maanta aan hor istaagno.” __Hortii ma la Iska Baandheeyey? qoraagan, soosaarka 1aad, 1999, Garoowe, soosaarka 2aad, amazon ee Ameerika, 2018, bog 25. Haddaba, xusuustaada ku darso in 2018, golaha fulinta ee dawlad-goboleedka Buntilaandi uu ka kooban yahay 50+ wasiirro, wasiir-dawle iyo xigeenno isugu jira, iyo haddana madaxweyne iyo xigeen.

Abraham  Lincoln  oo  ahaan  jirey madaxweyne Maraykan ah baa xisbigiisu kula taliyey in uu mar kale madaxweynenimo u tartamo 1860-meeyihii.

Kolkaas buu yiri, “Dadka maxaan markaan u sheegayaa?”“Waxii aad u sheegi jirtey ugu celceli,” bay ku yiraahdeen. Kolkaas buu ku yiri:

 

War dadka qaar ka mid ah mar kasta waa la ilduufin karaa (la siri karaa ama been loo sheegi karaa). Qaar mararka qaarkood baa la ilduufin karaa. Dadka oo dhanna hal mar waa la wada ilduufin karaa. Balse dadka oo dhan, mar kasta lama wada ilduufin karo.

Waxaa iyana jirta qormo magaceedu yahay “Dhaqankeedu waa u nacab Soomaali,” oo lagu baahiyey mareegta maandoon.com Sabteembar 2017 haddana Warsan Magazine 1aad (soosaarka Jan. March), 2018.

Qormadu waxa ay ku adkaysanaysaa in cadawga 1aad ee Soomaalidu yahay dhaqankeeda, kolkaasna aysan fadhiidnimo ka baxayn ilaa ay si geesinimo leh dhabta uga wada hadasho, dhaqankeeda dib u eegto garbahana ka wada istaagto garsoorka iyo warbaahinta. Iyada oo hoggaaminta wanaagsan aysan ka soo harin siyaasad indheergaradnimo iyo bulsho wanaagga ku dhiirrata, bal dhuux oo dhadhanso sababta aan u soo qaadannay dhacdada soo socota.

BERLIN — August 21, 2018,

 

the Nazi guard lived a quiet life in a racially diverse corner of New York City for decades, having lied on his United States immigration papers in 1949 about the type of work he did during World War II. But on Tuesday, he was deported to Germany, ending a 14-year battle to remove him from American soil.

Ninka aad sawirkiisa kor ku aragtaan, oo ahaa waardiye ka tirsan Nazi Germany (ciidammadii Jarmalka ee dadka gumaadi jirey dagaalkii 2aad ee dunida), waxa uu ku noolaa New York ilaa 1949-2018. Waxa uu 1949 been ka sheegay waraysiqaadkii (Form) waaxda sodcaalka noocii shaqada ee uu hayey dagaalkii 2aad ee dunida. Astako ku socotay 14 dabshid kaddib, waxaa isaga oo 95 jir ah loo tarxiilay Germany 8aad 21, 208 lagana xayuubshay dhalashadii Ameerika.

Dad dadkoodii la xasuuqay dagaalkii 2aad ee dunida iyo samojecleyaal kale baan marna ka daalin in ay dabogal ku sameeyaan gaboodfaleyaasha. Haddaba, Soomaali yeysan ku hammin in aysan dadkaas oo kale lahaan karin—amaba ku dayin karin. Soomaaliyeey adigu ha isliidin. Qof walba hooyo baa sagaal bilood uur ku qaadda. Dulucda qormada aan u degno.

Maanta, 2018, magaalo kasta oo Soomaaliya ku taal waxaa ku nool dad ay farohooda ka qoyan yihiin dhiig dad Soomaaliyeed. Beelaha Soomaaliyeed iyana waxa ay caado ka wada dhigteen in hoosta la marsado qabqable bulsho laayey, oo carruurtii uu waalidkood diley joogaan. Dadkaas maxaasta ah kuwii laayey qaarkood waa madax amaba waxa ay ku jiraan goleyaasha maammul-goboleedyada iyo ka dawladda wadaagga guudba.

Waxaa kale oo beeluhu dilaagooda u dhoofiyaan Itoobiya, Jabuuti, Uganda, ama Keenya. Haddana, meelahaas waxaa looga sii diraa dalal ay ka mid yihiin, koofur Afrika, Australia, New Zealand, Yurub iyo Waqooyi Ameerika.

Sartu halkaas bes kama qurunsana. Xataa dadkii dadkooda la diley ma raacdeeyaan gacanku-dhiigleyaasha kula sugan meelaha nolosha aadanuhu micnaha ka leedahay. In kasta oo aanba leennahay wax qabiil ama beel la yiraahdo ma jiraan ee waa isbahaysi qarniyaal hore oo hore oo hore dani abuurtay dibna looga bixi kari waayey, haddana waxa aan idin sii xusuusinayaa gacanku-dhiigle in uusan tol iyo xigaalo toona kula ahayn. Cidna yeysan u qaadan war la iska yiri, ee maalin ay dhici doonto in dilaagii la maadiyey dib looga xayuubsho sharci uu dal kale ka qaatay—dabadeedna dib loogu tarxiilo deegaankii uu dilka ka geystay—kolkaasna garsoorka lala beegsado. Ugu dambaynta, Soomaaliyeey iska dhib bulsho foojigan, wax akhrida, caddaaladda u hiillisa, ka tabarta daran taageerta, ku dhiirran runta in ay ka wada hadasho.

Cali Cabdi Giir caliganay54@hotmail.com

Share This Article
Leave a comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *