WIIL KU DHASHAY 24 FAROOD

gradadev
1 Min Read

 

Aayadaha Alle: Wiil u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa uu ku dhashay 24 farood oo macnaheedu yahay in gacan kasta iyo luga kastaba uu ku leeyahay Min Lix farood.

Wiilkan ayaa waxa uu degan yahay magaalada Parabankiee waqooyiga dalkaasi Hindiya, qoyska iyo qaraabada wiilkan ayaan aaminsanayn in wiilkaasi la daweeyo waxaanay jecleysteen inuu sidaasi ahaado.

Waalidka dhalay wiilkan yar ayaan ogoleyn inuu wiilkaasi Iskuulka tego, sidoo kalena aanu haba yaraatee ka bixin guriga waxaanay sheegeen waalidka wiilkaasi dhalay inay Ammaankiisa u baqayaan isla markaana ay diidayaan inay dadku dhibaateeyaan.

Mid ka mid Saraakiisha ciidammada Ammaanka ee Magaalada uu wiilkaasi ku nool yahay ayaa waalidka wiilkaasi dhalay waxa uu u ballan qaaday inuu sugi doona Ammaanka Wiilkoodaasi isla markaana uu u fududeyn doono sidii uu wax u baran lahaa.

 

Himilo.com

Share This Article
Leave a comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *